Dowladda Soomaaliya oo kordhisay koontaroolada ku yaalla Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xalay illaa saaka howl-gallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale bara-koontarool oo hor leh ka sameystay jidadka waa weyn ee ku yaalla caasimada.

How-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku baarayeen gawaarida, meelo bartilmaameed u ahaa & dadka ay ka shakiyaan.

Sidoo kale ciidamada ayaa su’aallo weydiinayey shaqsiyaadka la socda gawaarida yar-yar iyo mootooyinka, iyaga oo qofka ay ka shakiyaana geynayey saldhigyada.

Ciidamada ayaa sidoo kale kordhiyey baraha koontarool ee caasimada, iyaga oo kuwa hor leh ka sameystay jidadka Maka Al-Mukarrama, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha.

“Ciidamo Booliis ah ayaa baro kontorool cusub ka sameystay qaybo kamid ah waddooyinka waa weyn oo markii hore ay ka joogeen Isgoysyada, Dadka ayay baarayeen, Gawaarida & Mootooyinka sidoo kale way fatashayeen, halka su’aalo ay weydiinayeen dadka la socda, ” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ujeedka loo kordhiyey koontaroolada ayaa waxaa saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheegeen inuu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan darri ee maamlmahaan ku soo badanayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shalay ayey aheyd markii werar qarax ahaa oo mas’uuliyiin lala eegtay iyo dilal qorsheysan oo loo geystay askar & odayaal dhaqameed ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.