24.3 C
Mogadishu
Wednesday, September 3, 2025

DF Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland oo fasaxay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa shaqaalaha dowladda ku wargeliyay in ay fasax ka yihiin shaqada maalinta berri ah.

Fasaxan ayaa ku beegan xuska dhalashada Nebbi Muxamed (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee), taas oo ku aaddan 12 Rabiicul Awwal, 1447 Hijriya.

Shaqaalaha dowladda ayaa shaqada dib ugu soo laaban doona maalinta Sabtida ee ku taariikhaysan 06 September, 2025.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Somaliland ayaa waxaa si gaar ah loogu wargeliyay dhammaan loo-shaqeeyayaasha iyo shaqaalaha in ay xuska dhalashada nebiggeena suuban awgeed ay fasax ka ahaan doonaan goobaha shaqada maalinta Khamiista.

“Xuskan waxa uu daaran yahay weyneynta iyo karaamaynta maalinka dhalashadda nebiggeena suuban ee Muxamed (NNKH), kaas oo ku weyn quluubta shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan, waajibna ka saaran yahay in hab diini ah loo xuso, laguuna qaabilo, Idamka Alle,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey maalmaha fasaxa ugu dartay Mowliidka, iyadoo shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada maalintaas.

Si kastaba, 12-ka bisha Mowliid, sida caadiga ah dhamaan dadka Soomaaliyeed waxay xusaan dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH, waxaana xuskaan caan ku ah culimada Ahlusunna Waljamaaca iyo dhamaan umadda muslimiinta ah ee jecel Nabigooda.

- Advertisement -

Read more

Local News