24.4 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Dowladda Turkiga oo shaaca ka qaaday bisha la billaabayo shidaal qodista Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in dowladda Turkiga ay bisha Febraayo u soo diri doonto Soomaaliya markab sameeya qodista shidaalka, si loo fuliyo mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalkeeda.

Bayraktar ayaa sheegay in howlgalada markabka qodista ee lagu magacaabo Cagri Bey ay diiradda saari doonaan aagagga badda ee Soomaaliya, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qiyaasta kheyraadka la filayo ama baaxadda maalgashiga lagu bixinayo.

“Sannadka 2026-ka wuxuu noqon doonaa sanadkii aan daah-furi lahayn waa cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo raaciyay, “Dadaalkeenna waxaan ugu bishaareyn doonnaa shacabkeenna.”

Kobcinta iskaashiga tamarta ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis uu muddo sagaal bilood ah howlaha sahaminta ka waday biyaha Soomaaliya, taas oo hoosta ka xarriiqaysa xiriirka qotoda dheer ee iskaashiga tamarta ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Talaadadii magaalada Istanbul kula qabtay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Erdogan sheegay in Turkiga uu raxan-kiisa maraakiibta ku soo kordhiyay laba markab oo cusub oo kuwa badda hoose qoda ah.

“Midka koowaad ee labadan markab, oo aan u bixinnay Cagri Bey, wuxuu ka hawlgali doonaa xeebaha Soomaaliya, halka kan kalena, oo la yiraahdo Yildirim, uu ka shaqeyn doono Badda Madow,” ayuu yiri Erdogan. 

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ku biiritaanka maraakiibtan cusub ay Turkiga ka dhigeyso dalka afaraad ee caalamka ugu awoodda badan dhanka maraakiibta qodaalka badda moolka dheer.

Erdogan ayaa xusay in Turkigu qorsheynayo inuu billaabo howlaha qodista sannadka 2026-ka, isagoo tilmaamay in la filayo in howlahan ay wax weyn ka tari doonaan horumarka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa sannadkii 2024-kii heshiis sahamin tamar ah la saxiixday Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dadaallada uu ku doonayo inuu ku ballaariyo ilaha tamartiisa, hoosna ugu dhigo ku tiirsanaanta shidaalka dibadda, isagoo maalgashi ku sameynaya mashaariicda sahaminta ee gudaha iyo dibaddaba.

Iskaashiga kalluumeysiga iyo hawada sare

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in heshiis gaar ah oo ku saabsan kalluumeysiga uu waji cusub u yeelay iskaashiga labada dal. Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu taageero awoodda farsamo ee Soomaaliya, isla markaana uu gacan ka geysto la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Intaa waxaa dheer, Erdogan wuxuu shaaca ka qaaday in Turkigu qorsheynayo inuu saldhig dayax-gacmeed (Spaceport) ka dhiso Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiixnay, waxaan hiigsaneynaa inaan saldhigga gantaallada cirka loo diro ka dhisno Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in wajiga koowaad ee mashruucan oo ka kooban saddex heer la naqshadeeyay, dhismihiisuna uu ka billowday Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga.

Saraakiisha ayaa sheegaya in mashaariicdan ay ka tarjumayaan sida uu u sii kordhayo xiriirka dhaqaale, tamar iyo teknoolajiyadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News