27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dr Baadiyow oo Jaamacadda London ku soo bandhigay buug cusub oo uu qoray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dr Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa caawa buug cusub oo uu dhawaan qoray oo ka hadlaya taariikhdii hore ee Soomaalida ku soo bandhigay hool ku yaalla Mac-hadka Daraasaadka Arrimaha Afrika iyo Bariga ee SOAS, Jaamacadda London.

Marka koowaad waxaa kulanka lagu furay oo falanqeyn iyo faaqidaad ku saabsan buugga halkaas ka soo jeediyey Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka warramay nuxurka ku dhex jira buugga Baadiyow iyo cutubyadiisa, qaasatan meelaha uu ka xooggan yahay iyo meelaha uu ka liito.

Waxaa kaddib halkaas ka hadashay Seynab A. J. Daahir oo soo jeedisay in qof kasta oo doonaya inuu wax ka ogaado taariikhdii qadiimka ahayd ee Soomaalida inuu akhriyo buugga Baadiyow. Waxay sheegtay inay wax badan ka baratay cutubyadii buugga ee ay akhrisay.

Waxaa kaddib halkaas ka hadlay Martin Orwin oo macallin ka ah Jaamacadda London, wuxuuna kula taliyey dadka Soomaaliyeed inay taariikhdooda qoraan oo ay ku dadaalaan inay kaydiyaan.

Waxaa kaddib hadalka lagu soo dhoweeyey Cabdulqaadir Jengeli oo ka sheekeeyey aqoonta fog ee uu u leeyahay Baadiyow, wuxuuna ku gaabsaday inuusan wax hadal ah ku soo talagelin ee uu yahay marti.

Dr Baadiyow oo markaas kaddib halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey fekradda buuggu uu xambaarsan yahay, waxaana halkaas lagu weydiiyey su’aalo isagoo ka bixiyey jawaabo. Waqtiga oo koobnaa ma suuragelin in dhammaan dadkii ka soo qaybgalay ay su’aalo weydiiyaan.

- Advertisement -

Read more

Local News