Dhibaatooyinka heysta ummadda waxaa ugu weyn uguna khatarsan inuusan dalku lahayn Wasiir qaabishan Arrimaha Dibadda. Ruuxa u magacaaban jagadaan waxaa howshiisa ka mida MAALGASHIGA uu isagu u fasirtay maal-Gurubsi si muddada kooban uu meesha joogayo ka gurubsado wixii uu heli karo oo maal ah. Wasiir Bayleh weligii ma qaban howl loogu adeegayo ummadda Somaliyeed ee daafaha dunida ku dayacan, wuxuuna u adeegaa oo kaliya xigtadiisa oo hoteellada Xamar buux dhaafiyay iyagoo ay ku baxdo masaariif aad u tiro badan oo horey loo soo bandhigay, laakin aysan dowladdu dib u sii raacin.
Safaaradaha Somalida wax shaqo ah uu ku leeyahay ma jiraan. Maalintii uu ka hadlay waxay ahayd markuu yiri Safaaradu ayaa la xiraayaa!! Dhallinyarada ku dayacan waddamada Holland, Denmark, Norway oo qaarkood dalki dib loogu celinaayo Somaliya weligii kama hadlin, mana raadin inuu wax ka ogaado xaaladaha ay ku sugan yihiin, waayoo ma ahan reer Awdal. Wasiir ku xigeen ka dhiga Prof. Dalxa oo dad badan dibadaha ku badbaadiyay qaarna xabsiyo ka soo daayay, waayoo ninka la yiraahdo Burci oo ah aqoonyahay weligii wax kama qorin mana ka hadlin dhibaatada heysata dhallinyarada isagoo weliba ah wasiir ku xigeenka arr. dibadda!!
Waxaa jiray oday Dr.Bayleh adeerkis ahaa oo la dhihi jiray AADAN Isaaq uu Jaalle Siyaad ka dhigay Safiir fadhiya Pakistan ayaa ninki ugu taga cussbooneyn baasaboor wuxuu dhihi jiray ina adeerkaa ayaa jooga meel heblo ee orode u tag ee ka soo cusbooneyso baasaboorka isagana waa sidii oo kale oo dan uu ka leeyahay Somali dayacan ama la dhoofinaayo ma jirto…NINKAAN HA NAGALA QABTO INTEY GOORI GOOR TAHAY.
Safaaradda Ethiopia ee uu safiir ka yahay nin lagu magacaabo Axmad Cabdisalaam ayaa ugu xun meelaha ay Somalida ka dhoofto, waayoo Wasiir Bayleh iyo safiirka waxay ku heshiiyeen inay dadka dibadaha ka hela viisooyinka xaaska ay ka qaataan lacag xaaraan ah oo maanta gaartay 1,000 bir oo Ethiopian ah. Howsha ay u qabanayaan dadkaasna waa xaqiijinta jinsiyada iyagoo sugaya waa Somali. Taa waxaa ka daran in dowladda Ethiopia oo awal ka qaadi jirtay Somalida dhoofeysa $460 qofkiiba ay maanta gaarsiisayay in qofkiba laga qaado $1,150. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in Wasiir Bayleh uu arrinkaan wax ka ogyahay, lagana yaabo inuu ka helaayo ”commission” dalaal aan yareyn, haddii kale wuu ka hadli lahaa hadduusan dan shakhsi ah ku qabin..dowladda Ethiopia waxaa intaa u dheer iyadoo weliba qaadata $300 oo ay leedahay Wasaaradda arrimaha gudaha.
War aaway Safiirki Somalida u joogay Ethiopia? Ma wuxuu ka liitaa Cabdiraxmaan Diinaari oo howlo fara badan u qabtay Somalida aadna u kaalmeyn jiray..ma gaari karyaa martabada uu gaaray Max/ed Cali Amerika oo habeen iyo maalin heegan ugu jira siduu ummaddaan u taakeuleyn lahaa..Axmad Cabdisalaan uma muuqdo safiir mathala Somaliya ee waa qowleysato heshiis la galay Wasiirka arrimaha Dibadda.
Dowladda waa inay arrinmahaan kala xariirtaa Ethiopia si ummadda looga badbaadiyo boobka iyo dhaca lagu haayo lagana qaadayo waxay aysan awoodin. ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!!
W/Q: Cabdi Calas
calas9@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid