23.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Duqa Minneapolis oo si adag uga hadlay beegsiga Soomaalida

Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan gobolka Minnesota oo ay haatan ka socdaan rabshado ka dhashay howlgallada ay wadaan ciidamada ICE ee beegsiga ku haya Soomaalida iyo bulshooyinka kale e ku dhaqan halkaasi, kadib markii uu Trump amray in la masaafuriyo.

Duqa Minneapolis ayaa si weyn u difaacay bulshada ku dhaqan gobolka, isaga oo ka horyimid qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee masaafurinta dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inuu garto mas’uuliyadda saaran, isla markaana uu si wanaagsan ula dhaqmo shacabka, si xaaladda loo qaoojiyo.

Waxaa kale oo uu ka dalbaday in uu si deg-deg ah u saaro Ciidamada ICE ee khalalaasaha geliyay Gobolkaas oo ay ka dhaceen dibad-baxyo waa wayn.

“Madaxweyne Trump, waxaa la joogaa waqti aad u dhaqmi laheyd sida hoggaamiye.  Jooji howlgalka. Waxaan kuu sheegayaa, magaaladeennu way soo kaban doontaa, ammaankuna waa la soo celin doonaa” ayuu yiri, Jacob Frey.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri “Waxaan kaa codsanaynaa inaad tallaabo degdeg ah qaaddo, Ciidamada federaalka ah ka saar magaalada. Adeegsiga militari iyo ciidamo aan la garanayn oo waddooyinkeena qabsaday taasi waa waxa daciifiya dalkeen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Donald Trump uu ku goodiyay inuu adeejinayo milatariga, si ay usoo afjarayaan rabshadaha ka dhanka ah ciidanka socdaalka iyo kastamka ee ICE oo si bareer ah u dilay dad rayid ah.

Si kastaba, Muddooyinkii dambe ayaa walaac xooggan laga muujinayay ciidamada faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna cabsi gelisay.

- Advertisement -

Read more

Local News