29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Duqeymo culus oo lagu beegsaday godadkii ugu adkaa ee Calmiskaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeymo cirka ah ka fulisay togga Baallade, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish.

Xogo hordhac ah oo laga helayo ilo amni oo Puntland ah ayaa xaqiijiyay in duqeyntu lagu bartilmaameedsaday godad adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka mid ah firxadkii kooxdaas, kuwaas oo ku go’doonsanaa aaggaas.

Goobaha la beegsaday ayaa lagu sheegay Hays, Baarikallaah iyo Marraagade, kuwaas oo dhamaan ku yaalla togga Baallade, halkaas oo ciidamada difaaca Puntland ay muddooyinkii dambe ku hareereeyeen dagaal-yahaannada kooxdaasi.

Saraakiil amni ayaa sheegay in ciidamada ay saaka waaberigii weerar dhulka ah ku qaadeen meelihii xalay la duqeeyay, si loo xaqiijiyo in aysan jirin xubno ka badbaaday ama isku ururinaya mar kale.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hawl-galku weli socdo, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaan iyo sifeyn lagu raadinayo xubno kale oo Daacish ah.

Ilaa hadda ma cadda tirada khasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo weerarrada dhulka ah.

Ciidamada Puntland ayaa muddo sanad ah ku jira howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish ee maamulka doonayo inuu ku wiiqayo awoodda ururkaas. Howl-galkan ayuu maamulku sheegay inuu marayo heer gaba-gabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ku xooganeyd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan ay soo baxayso inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish.

Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya. Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News