Eedeysane dad isku qoys ahaa ku laayey Muqdisho oo gobol kale lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobolka Mudug ayaa soo qabtay nin ku eedeysan inuu dad isku qoys ahaa, oo ay ku jirto xaaskiisa, ku dilay duleedka magaalada Muqdisho, 8-dii bishan July.

Ninkan oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi ayaa lagu eedeeyey in isaga oo ku hubeysan qoriga AK47 waxa uu deegaanka Garasbaaley rasaas aan kala sooc laheyn ku furey reerkaas oo ka koobnaa 9 qof, kuwaas oo shan qof ay dhinteen, afar kalena ay dhaawacmeen.

Dadka la dilay ayaa isugu jiray haweeney xaamilo aheyd, labo caruur ah iyo labo oday oo waayeel ahaa.

Aweys ayaa sida lagu eedeeyey markaas kadib ka baxsaday degaanka Garasbaaley ee Gobolka Baanadir kadibna ka tegay caasimadda.

Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaa lagu guuleeystay in Aweys lagu qabto magaalada Gaalkacyo. Eedeysane Aweys waxaa loo haystaa dilka shan qof ay ku jirto xaaskiisa hore iyo ehelkeeda waxaana dhawaan la horkeeni doonaa sharciga.”

“Waxaan shacabka Soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu mahad celineynaa wadashaqeynta hufan oo joogtada ah ay la leeyihiin Ciidanka Boliiska Soomaliyeed,” ayey tiri Zakiya.

Caasimada Online ayaa dad deris la ah dadka la laayeye waxay u sheegeen in Aweys uu gabar ka qabay reerka uu laayey, isla markaana uu jiray hinaase ama maseyr ku dhaliyey weerarkan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ninka geystay falkaas uu ka tirsanyahay ciidamada booliska Soomaaliya, isla markaana uu ka baxsaday goobtii uu falku ka dhacay.