25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ehelka Cabdullaahi Kulmiye oo shaaciyey inuu ku sugan yahay xaalad aan fiicneyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xarigga Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo muddo saddex maalmood ah u xiran dowladda Soomaaliya, ayaa soo sheegaya in Weriyaha ka xanuunsanayo gudaha Xabsiga Godka Jilacow.

Qaar kamid ah ehelkiisa ayaa Caasimada Online u sheegay in Weriyaha oo qaba Burkiito la geliyay qol kuleel ah oo qeyb hoose ku yaalo waxaana ku soo kacay xanuunka Burkiitada oo waligiis qabay.

Xubno kamid ah qoyska Weriyaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ay aad uga wal walsan yihiin xaaladda Weriyaha islamarkaana aysan jirin ilaa hadda qof qoyskiisa ka tirsan oo soo arkay.

“Waxaan wal wal ka qabnaa nolashiisa iyo caafimaadkiisa, sababtoo ah ilaa hadda ma arkin waxaana xanuunsan hooyadiis oo rabta in ay soo aragto,” ayuu yiri wiil kamid ah qoyskiisa oo aan la hadalnay.

Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, ayaa maanta ku jira Godka Jilacow maalintiisii 3-aad,  waxaana habeen saqdi dhexe lagala baxay gurigiisa, taas oo ka hor imaaneysa Xeerka Saxaafadda ee uu dhowaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin sababta loo xiray Weriyaha hase-yeeshee waxaa la aamisan yahay in NISA ay dhibsatay wareysi uu weriyaha la yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

Dhinaca kale, Bahda warbaahinta Soomaaliyeed ayaa mar kale ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay xorriyaddiisa uso celiso weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow.

- Advertisement -

Read more

Local News