Erdogan ‘’Cid aan kala tashaneyno ma jirto inaan xalino colaada nagala dhexeysa Jermalka’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan waxba u arag inay xiriir dhow la sameysa dowlada Jermalka.

Erdogan waxa uu sheegay in ka Turki ahaan ay daneynayaan inay la saaxiiban amaba xiriir xor ah ay la sameeyan Midowga Yurub, gaar ahaan Jermalka.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Turkiga ay garaneyso danaheeda gaarka ah, isla markaana aysan ka waaban doonin inay xiriir wada sameeyan Jermalka.

Isagoo la hadlaayay saxaafada adduunka ayaa waxa uu yiri “Waxaan dooneynaa inaan xiriir wanaagsan la yeelano Midowga Yurub iyo wadamada Midowga Yurub”.

Waxa uu intaa kusii daray isagoo hadalkiisa sii wata ‘’Waan garaneynaa cida noo wanaagsan iyo cida aan noo wanaagsaneyn cidna kalama tashan doono xiriirkeena iyo inaan booqdo dalka Jermalka’’

Dowladaha Turkiga iyo Jarmalka, ayaa horay isugu maan dhaafay arrimo dhawr ah oo ka dhashay rabshadihii bishii July ee sannadkii 2016 ee ka dhanka ah xukuumadda Ankara.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Midowga Yurub ku eedeeyay in ay magansiiyaan ururada argagixisada ee la dagaallamaya xukuumada Ankara iyo Taageerada Jarmalka ee mucaaradka ka soo horjeedda dawladda Turkiga iyo diidmada aftida muranku ka taagan ee Turkiga bishii Abriil, oo Erdogan siiyey awoodda xoogan, iyo qodobo kale oo adag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com