Erdogan oo jawaab cajiib ah ka bixiyey sababta uu ku diiday la-kulana Al-Sisi

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, ayaa weerar xoogan ku qaaday dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, oo xurguf xooggan ay ka dhaxeyso.

Weerarka Erdogan ayaa yimid kadib markii dowladda Masar xukun dal-dalaad ah ku fulisay 9 xubnood oo ka tirsan mucaaradka Masar oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen shirqoolkii lagu dilay xeer-ilaaliyihi guud ee hore ee dalka Masar Hishaam Barakaat.

Erdogan oo wareysi siiyay labada muuq-baahiye ee lagu kala magacaabo (CNN Turk iyo Kannel D), habeenimadii sabtida ahayd waxa uu yiri “tan iyo markii uu xukunka dalka Masar la wareegay Sisi xukuumaddiisa waxa ay daldaleen 422 qof,  ugu dambayntii sagaal dhallinyaro ah, tani waa mid aan la aqbali karin.”

Madaxweyne Erdogan waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay “Tani waa jawaabtayda kuwa i weydiiya maxaad ula kulmi la’dahay Sisi?

Xiisadda Erdogan iyo Sisi ayaa waxaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Masar ay ku hayso kooxda Ikhwaanul Muslimiin oo Erdogan uu taageersan yahay balse dowladda Masar ay ku sheegto koox argagixiso.

Sanadii tagtay Erdodan oo ku sugan shirka QM ee New York ayaa kursi uu qadi kulka cuni lahaa madaxweyne Trump ka kacay kadib markii uu soo fariistay Sisi.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
caasimada@live.com