26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Erdogan hanjabaadii ugu cusleyd abid jeediyey kuna dhawaaqay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbuul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horreysay jeediyay Khudbad uu ugu goodinaayo Kooxaha Xagjirka ah ee dagaalka kula jira Dowladiisa.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Dowladiisu ay lasoo bixi doonto talaabooyin lidi ku ah Argagixisada, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhulka uu la goyn doono unug waliba oo ka tirsan Xagjirka.

Erdogan, waxa uu tilmaamay in qorshaha Argagixisada uu yahay inay aamusiyaan shacabka isla markaana kala qeybshaan.

”Argagixisadu ugama aamusi doono inay gumeystaan shacabka waayo waxa ay doonayaan in dalka oo idil ay ka dhigaan sida Syria iyo Ciraaq taabedelkeeda waxaan go’aan ku gaarnay inaan dhulka la jarno”

Erdogan, waxa uu ku goodiyay in Dowladiisu ay bilaabi doonto hadda iyo dagaal, waxa uuna ku celcelshay in Argagixisadu ay ka tirtiri doonaan qaarada oo idil.

Waxa uu intaa raaciyay in dagaalkooda uu noqon doono mid cirka iyo dhulka ah, isla markaana ay qeybqeyb u ugaarsan doonaan cid waliba oo ka tirsan Argagixisada.

“Turkiga, marnaba isuma dhiibi doono argagixisada. bal waxa ay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto ilaa laga cirib tirayo”, ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Dhanka kale baarlamaanka dalka Turkiga ayaa u codeeyay in la kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee dalkaasi uu ku jiro, wuxuuna ogolaaday in seddax bilood laga badiyo amarka degdegga ah oo la soo rogay ka dib afgembigii fashilmay ee bishii July, 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News