25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Erdogan oo shaaciyay in aan la aqbali karin in Soomaaliya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay galabta si wadajir ah u qabteen isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo dalalka caalamka ay ka horyimaadeen.

Erdoğan oo garab istaag buuxa u muujiyay Dowladda Federaalka ayaa ku celiyay in marnaba aan la aqbali karin go’aanka sharci darrada ee Israa’iil, isaga oo dhanka kale xusay in ay taageerayaan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Midnimada Soomaaliya ayaa naga go’an, aqoonsiga Netanyahu ma shaqeynayo” ayuu ku yiri hadal-jeedintiisa.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul wasaare Netanyahu iyo xukuumaddiisa inay ka shaqeynayaan inay fowdo ka abuuraan Geeska Afrika, si lamid ah bariga dhexe.

“Xukuumadda Netanyahu oo daadisay dhiiga in ka badan 70,000 walaalaheena Falastiiniyiin ah, weli waxay sii wadaysaa weerarrada dalal badan oo gobolka ka mid ah sida Suuriya, Yemen, Qatar iyo Liibiya. Israa’iilna hadda waxay isku dayaysaa in ay Geeska Afrika ku riixdo fowdo iyo xasillooni-darro” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Turkiga.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Tallaabo kasta oo aan wax ku kordhin natiijada saxda ah waxay qoto-dheeraynaysaa dhibaatada, isla markaana ka sii dareyn doontaa xaaladda. Sidaas darteed, go’aannada ku saabsan mustaqbalka dhulka Soomaaliyeed waa inay ka tarjumaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.

Turkiga ayaa haatan door weyn ka qaadanaya dagaalka diblumaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca midnimadeeda, waxaan maanta  Madaxweyne Erdogan uu khadka telefonka kula hadlay Amiirka Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyagoo labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen arrimaha xiriirka laba-geesoodka ah iyo xaaladaha Soomaaliya, sida ay baahisay Madaxtooyada Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa intii uu socday shirka jaraa’id adkeeyay taageerada Soomaaliya ee midnimadeeda iyo xuduudaheeda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay mudan tahay taageero dhab ah.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka laga taageero xasillooni siyaasadeed iyo horumar, isagoo tilmaamay sida ay taageerada caalamiga ah muhiim ugu tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga dadaallada lagu kala fogaynayo waddamada gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News