Dhex-dhexaadinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo ergey loo magacaabay iyo DF oo diiday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergey cusub ayaa loo magacaabay dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli meel xasaasi ay mareyso xiisadda labada dal.

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayuu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) uu dadaal wada xaajood ah ugu diray xiisadda, si uu ugu kala dab qaado Soomaaliya iyo Itoobiya.

Arrintan ayaa lagu macneeyay mid looga hortagayo xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in ay u gudbaan gacan ka hadal.

Ergeyga cusub ayaa dadaal ku bixin doona sidii loo dejin lahaa xiisadda taagan oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal culus, wallow ay dowladda federaalka horey u cadeysay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Heshiiskan oo meel adag iska taagtay Soomaaliya, ayna sidoo kale si weyn u cambaareysay dunida ayaa waxa uu Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo burisay heshiiskan, kadib markii ay ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqday inay diyaar u tahay inay dagaal gasho, si ay u difaacdo dhulkeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la soo dhigay baraha bulshada.