25.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Dad loo xir xiray qaraxii ADDIS-ABABA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) Warbaahinta Ethiopia ayaa sheegtay maanta oo Arbaca in dad loo qabtay qarax Axaddii toddobaadkan ka dhacay xaafada A Bole oo ay Soomaali badan ay ku nool yihii kuna taalla caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Talafishanka qaranka Ethiopia oo soo xiganaya saraakiisha ammaanka ayaa ku soo warramay in la xiray seddax ruux kuwaasoo looga shakisan yahay in ay lug ku lahaayeen qaraxa oo ay ku dhinteen labo qof oo Soomaali ah kuwasoo si sharci darro ku joogay Addis Ababa sida booliisku sheegay..

Labadaas nin ayaa la aaminsan yahay in ay ahaayeen raggii isku xirayey qaraxa iyagoona beegsan lahaa meel ay ku sugan yihiin kumanaan qof oo ah taageerayaasha xulka kubadda Ethiopia.

Si kastaba, afhayeenka dowladda Ethiopia  Shimeles Kemal ayaa mar sii horeysay warbaahinta u sheegay in labadaas qof ay doonayeen in ay weerarro ka geystaan garoon kubbadda cagta ah oo ay xilligaaas ku cayaarayeen xulalka Ethiopia iyo Nigeria  ciyaar ka dhacdo iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan.

Soomaali badab oo ku dhaqan xaafadda Bole ee uu qaraxu ka dhacay una dhow garoonka diyaaradaha Addis Abab waa ay sheegeen in ay cabsi la soo daristay qaraxa kaddib.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi.

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News