26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Ethiopia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis shidaal oo dhulka Soomaalida ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ayaa heshiis kala saxiixday, kaasi oo ku saleysan Shidaalka laga soo saarayo deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in heshiiskaasi uu ku kacayo dhaqaalo gaaraya 3.2 Bilyan oo doolar, waxaana uu dhigayaa in shidaalka Ethiopia kasoo saarto dhulka Ismaamulka Soomaalida laga dhoofiyo dalka Jabuuti.

Heshiiska labada dowladood waxaa kale oo qeyb ka ah in dhuumaha shidaalka qaada oo ka bilaabanaya dalka Ethiopia la geeyo dalka Jabuuti si halkaasi ay uga sahlanaanto in laga dhoofiyo shidaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sharikadda Shidaalka  China ee Poly-GCL , ayaa fulin doonta Mashruucan iyada oo dhiseysa Warshad shidaalka ku sifeysa Dekadda Jabuuti, si halkaasi looga dhoofiyo Shidaalka.

Sida ku cad heshiiskaasi dhoofinta shidaalka ayaa bilaabaneya sanadka 2021, waxaana inta ka horeysa la qorsheynayaa in laga shaqeeyo dhamaan waxyaabaha kale ee ku cad heshiiskaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka Dalka Itoobiya Koang Tutlam  ayaa sheegay in marka Mashruucani billowdo uu dakhliga dalkiisa kordhayo 6 ilaa 7% sanad kasta.

Dalka Jabuuti waxaa heshiiskan oo shalay la saxiixay ku matalayay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Yonis Cali Guuleed, halka Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Samuel Urkatu .

Masuuliyiinta labada dowladood ayaa sheegay in heshiiskaasi uu shaqo abuur u sameyn doono kumanaan dhalinyaro shaqo la’aan ku heysato labada dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News