Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa mar kale ka hadashay ka bixitaankeeda Gobolada Somalia, kadib markii ay talaaabadaasi ku eedeysay Beesha Caalamka.
Dowlada Ethiopia waxa ay sheegtay in Beesha Caalamka ay ka baxday ballamo dhowr ah oo ay u sameysay Ciidamadeeda.
Getachew Reda oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ee Ethiopia, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay mas’uul ka tahay in Ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Somalia.
Getachew Reda, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka xitaa ay ka gaabineyso in la saraqaado aqoonta Ciidamada Milliteriga Somalia, taasina ay qeyb ka tahay ka bixitaankooda Somalia.
Getachew Reda, waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia ay usoo dhabar adeegen wax ka qabashada xaalada cakiran ee Somalia, balse ay sidoo kale dhaliil adag u jeedinayaan Taliyayaasha Ciidamada Somalia oo iyaguna ku fashilmay hanashada amaanka Somalia.
Getachew Reda, waxa uu si cad u sheegay in Ciiddanka Somalia ay ku fashilmeen inay gutaan Mas’uuliyadooda, maadaama aysan Beesha Caalamka ka helin wax taageero ah.
Getachew Reda, waxa uu Madaxda ugu sareysa Somalia ku dhaliilay inaysan wali kasoo kicin huradad sidaa darteedna ay mudan tahay inay kuwaana qaatan ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Somalia.
Si kastaba ha ahaateen waxa uu Mr Getachew Reda ku celcelshay in Beesha Caalamka ay hagardaameyneyso Siyaasada iyo Amaanka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]