26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Ethiopia oo soo faro-gelisay qorshe ka dhan ah beesha Daarood oo Muqdisho ka socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay u joogaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia oo ay gaareen maalintii khamiista, sida ay baahisay Caasimada Online.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cali Cabdullahi Cosoble lagala hadlayo qorshe ka dhan ah beesha Daarood oo ay Muqdisho ka wadaan.

Qorshahan oo uu soo alifay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la doonayaa in Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen looga dhigo afhayeenka baarlamanka Soomaaliya, si beesha Shariif Xasan ay u hesho madaxweyne ama ra’iisul wasaare, loona seejiyo beesha Daarood.

Qorshahan ayaa saddexda madaxweyne maamul goboleed ay aad uga riixayaan Muqdisho, ayaga oo xildhibaano codka siiya u raadinaya Xiddig, oo iminka ah musharaxa ugu cadcad jagada guddoomiyaha baarlamanka.

Si kastaba, dowladda Ethiopia ayaa sida aan xogta ku hlenay diidan qorshahan, waxayna dooneysaa in habka awood qeybsiga Soomaaliya uu sii ahaado sida iminka uu yahay, beesha Shariif Xasan-na ay qaadato guddoomiyaha baarlamanka.

Waxaa la filayaa in Ethiopia ay madaxda maaml goboleedyada soo siiso amar ah inay joojiyaan dibin-daabyada ay u dhigayaan beesha Daarood.

Guuleed iyo Cosoble ayaa la filayaa inay amarka Ethiopia u hoggaansamaan, inkasta oo weli ay si hoose carqalad ugu abuuri karaan beesha Daraood.

Si kastaba, Shariif Xasan oo musharax madaxweyne ah, ayaa arrintan ay caqabad ku noqon doontaa, mana cadda sida uu ka yeeli doono caqabadda kaga timid dhinaca Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News