25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Bahdilaad: Ethiopia oo xabsi dhigtay guddoomiyihii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Ciidamada ethiopia ka jooga Gobolkaasi ay xabsi dhigeen Guddoomiyaha Degmada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed Buraale.

Nuur Sheekh oo qadar yar un kadib sii deysmadiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saacado kooban uu xabsi ugu jiray Ciidamada ethiopia ee ka howlgasha Gobolka, gaar ahaan Magaalada Garbahaareey.

Nuur Sheekh, waxa uu sheegay in laga qabtay xili uu maraayay meel aan ka fogeyn Buur dhabarka dambe kaga taal saldhig ay Ciidamada ethiopia ay ku leeyihiin Magaalada Garbahareey.

Waxa uu sheegay in ciidamada ethiopia ay xoriyada ka qaaden islamarkaana lagula kacay Jir dil iyo ciqaab muddo kooban ku soctay.

Nuur Sheekh Maxamed Buraale ayaa tilmaamay in ciidamada ethiopia ay xadgudub u geystaan maamulka iyo dadka shacabka ah, waxa uuna taasi ku sifeeyay mas’uul dari.

Dhanka kale, Nuur Sheekh waxa uu carab dhabay in iminka laga soo daayay xabsiga, balse dhamaan oogada ay dikaameyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News