25.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Ethiopian Airlines oo hakad gelisay duulimaadyadeedii Aadan Cadde +Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharikadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airline, ayaa la sheegayaa in ay hakad kooban gelisay duullimaadyadeedii Muqdisho iyo Addis Ababa.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii nin u dhashay dalka Britain lagu qabtay boorso uu watay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu doonayay in uu ula dhoofo magaalada Addis Ababa.

Boorsada ninkaas ayey ciidamada ammaanka ka heleen gaaska dadka ka ilmeysiiya, sidoo kalena loo adeegsan karo qaraxyada, waxaana markii ay ciidanka qabteen kaddib la wareegay ciidamo ajannabi ah.

Ninkan ayaa waxaa hadda ku socda baaritaan la xiriira walxaha gaaska ah ee qarxi kara oo uu damacsanaa in uu la raaco diyaaradda.

Maamulka Ethiopian Airlines ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo weydiistay in uu faah faahiyo waxa ninkaasi ahaa iyo walxaha laga shakiyay ee lagu qabtay.

Sharikadda diyaaradaha Itoobiya ayaa Soomaaliya ka shaqa billowday bishii November ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana duullimaadkaasi billowday 40 sano kaddib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News