26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DADAAL dib uga qarxay SAAXDHEER !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal Khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la soo warinayaa in leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Khatumo.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday Ciidamada Maamulka Khatumo oo weeraray Fariisimo ay lahaayen Ciidamada Somaliland, waxaana la soo sheegayaa in halkaasi ay ku dileen Askar kor u dhaafeyso Shan, halka kuwa Khatumo iyana laga dilay ilaa Seddex Askari.

Sidoo kale, Ciidamada Khatumo ayaa weerar culus ku qaaday gaari ciidan oo ay la socdeen Ciidamo gurmad u ahaa kuwa lagu weeraray Fariisimaha, inkastoo aan la Ogeyn khasaaraha rasaasta kasoo gaartay Ciidamada saarnaa gaariga la weeraray.

Dhanka kale, Dagaalka ayaa waxaa ka barakacay dadkii ku noolaa Deegaanka Saaxdheer, kuwaasi oo badi walaac ka muujiyay Madaafiic ay is weydaarsanayeen dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay.

Xaalada ayaa iminka ah mid kacsan waxaana weli la maqlayaa rasaas ay is weydaarsanayaan dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News