26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Warar cusub oo kasoo kordhay qaraxii ka dhacay Hotel ku yaalla Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faahin laga helayaa qarax caawa ka dhacay Hotelka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, sidoo kale waxaa laga maqlayaa rasaas dhismaha Hotelka sida uu sheegay wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo ka agdhow Hotelka.

Si dhab ah looma oga khasaaraha intaas dhaafsan ee ka dhashay qaraxa ka dhacay Hotelka, oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad aad u badan.waayo waxaa la xiray wadadda oo dhan.

Hotelka Al-Mukarrama waxaa deggan xildhibaanno ka tirsna baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’iiliyiin kale, sida aan wararka ku heleeno.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in qof walxaha qarxa waday ay ciidamada ammaanka ka qabteen goobta inta uusan qaraxa dhicin.

Qarax ayaa wararku waxa ay sheegayaan in la tuhmayo inuu ka dambeeyey nin dhalinyaro ah oo watay Laptop.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina, halkaasoo hadda lagu daweynayo sida ay lee yihiin ilaha caafimaadka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadlay qaraxa caawa ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarrama oo ka mid ahaa hoteladii hore balse dhawaan dib loo dhisay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News