Doha (Caasimada Online) – Militariga Iran ayaa sheegay inay fuliyeen weerar gantaallo ah oo “culus oo waxyeello ba’an geystay” oo ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Udeid oo ku yaalla dalka Qatar, kaddib markii qaraxyo laga maqlay guud ahaan caasimadda dalkaas, taasoo daba socotay hanjabaaddii Tehran ee ahayd inay ka aargudan doonto duqeymo uu Mareykanku fuliyay.
Iran ayaa u hanjabtay Mareykanka kaddib markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay Jimcihii ku garaaceen bambaanooyin nooca dhulka ka dusa ah oo miisaankoodu yahay 30,000 oo rodol goobo Nukliyeer ah oo Iran ku leedahay buuro hoostooda, iyagoo sidaas ugu biiray dagaalka Israel ay kula jirto Tehran, ayadoo Madaxweyne Donald Trump uu soo hadal qaaday suurta-galnimada in xukuumadda Iran la rido.
Wasiirka Difaaca ee Qatar, oo ay soo xigatay warbaahinta Al-Jazeera, ayaa sheegay in hab-difaaca cirka ee dalkiisu ay fashiliyeen gantaallo lagu soo beegsaday saldhigga Al Udeid, oo ah xarunta milatari ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, kuna taalla dhinaca kale ee Gacanka ee xiga Iran.
Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, kaasoo ay si kulul u cambaareeyeen, waxayna sheegeen inay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan.
Golaha Amniga Qaranka ee ugu Sarreeya Iran ayaa sheegay in weerarka gantaalaha ah ee lagu qaaday Saldhigga Cirka ee Al Udeid uu ka fogaa goobaha ay degganyihiin dadka rayidka ah ee Qatar.
“Tallaabadan wax halis ah kuma aha dalka saaxiibka iyo walaalka ah ee Qatar, iyo shacabkeeda sharafta leh, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iranna waxaa weli ka go’an ilaalinta iyo sii wadista xiriirka diirran ee taariikhiga ah ee ay la leedahay Qatar,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday golaha.
Weerarkan ayaa yimid wax yar kaddib markii diblomaasi reer Galbeed ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay jirtay hanjabaad la isku halleyn karo oo loo jeediyay saldhig milatari oo Mareykanku ku leeyahay dalkaas Gacanka ku yaalla, taasoo ka dambeysay duqeymihii Mareykanku ku qaaday Iran.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed al-Ansari, ayaa sheegay in weerarka Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC) ee saldhigga Al Udeid uu yahay “xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo hawada Qatar iyo weliba axdiga Qaramada Midoobay.”
“Annaga, Dowladda Qatar ahaan, waxaan xaq u leenahay inaan si toos ah uga jawaabno… gardarradan qaawan iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah,” ayuu al-Ansari ku yiri bayaan uu soo saaray.
Wuxuu intaa ku daray in hab-difaaca cirka ee Qatar ay fashiliyeen weerarka ayna si guul leh isaga caabiyeen gantaalladii Iran.
Warbixin qoraal ah oo si kulul loo dhigay oo ay baahisay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Tasnim, ayay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ku gooddiyeen in tallaabo kasta oo gardarro ah oo dheeri ah lagaga jawaabi doono xoog, iyagoo ku dhawaaqay in saldhigyada milatari ee Mareykanka ee gobolka ay hadda yihiin “goobo nugul.”
Iran “marnaba kama aamusi doonto gardarro kasta oo lagu soo qaado madax-bannaanideeda, dhulkeeda, ama amnigeeda qaran.”
Ciidanka IRGC ayaa sheegay in hawlgalkan lala kaashaday Golaha Amniga Qaranka ee ugu Sarreeya Iran, uuna muujinayo dhammaadka xilligii weerarradii “ku dhufo oo ka dhaqaaq”. Waxay sidoo kale ficillada Mareykanka la xiriiriyeen hadafyo milatari oo ballaaran oo ay leedahay Israel, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan iska-caabbinta ilaa inta laga baabi’inayo “maamulka Sahyuuniyadda.”
Intaa waxaa dheer, saldhigga cirka ee Mareykanka ee Ain al-Asad ee dalka Ciraaq ayaa hawlgeliyey hab-difaaca cirka iyadoo laga cabsi qabo weerar suurtagal ah, sida ay ilo milatari u sheegeen wakaaladda Reuters.
Wax yar ka hor, dowladda Qatar, oo ah dal yar oo hodan ah oo ku yaalla Gacanka Carbeed, ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u xirtay hawadeeda si loo daryeelo badqabka dadka deegaanka iyo booqdayaasha. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii safaaradda Mareykanka ee Qatar ay kula talisay muwaadiniinta Ameerikaanka ah inay guryahooda gabaad ka dhigtaan, arrintaas oo ay ku sheegtay “taxaddar dheeri ah awgiis.”
Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay qiimeysay in Iran ay fulin karto weerarro lagu beegsanayo ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe goor dhow, inkastoo Mareykanku uu weli raadinayo xal diblomaasiyadeed oo horseedi kara in Tehran ay ka baaqsato aargudasho kasta.