26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 11, 2025

Xog cusub: Xildhibaan gaarigiisa lagu rasaaseeyay & qasaaraha ka dhashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)-Kooxo hubeysan ayaa maanta weeraray gaari uu la socday xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, xili uu doonayay inuu aado xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanka ayaa lagu rasaaseyay gaarigiisa xili uu kaso baxayay hoyga uu ka degen yahay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Xamarweyne.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay wadaha gaariga uu la socday xildhibaan Maxamed CUmar Dalxa, waxaana sidoo kale markii dhaawac soo gaaray u dhintay mid kamid ah ilalada xildhibaanka.

Gudoomiyaha degmada Xamarwene ayaa yiri “Xildhibaanka isagoo kasoo baxay gurigiisa ayaa la rasaaseeyay, istaafkiisa midkamid ah ayaa dhaawacmay, darawalkiisa ayaa ku dhintay, wali baaritaan ayaa socda”.

Dhankiisa xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in isaga uu ka badbaaday weerarka lagu qaaday, islamarkaana uu ka qeyb galay shirka golaha baarlamaanka ay maanta yeesheen.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News