26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Dagaal culus oo mar kale dib uga dhex-qarxay ciidamada Puntland iyo kuwa Maakhir

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhahar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal mar kale saaka dib uga qarxay magaalada Dhahar, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa maamulka la baxay Maakhir ee ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socda gudaha magaalada, waxaana laga maqlayaa rasaas xoogleh oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan la xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu ka xoogan yahay kii shalay, isla-markaana ciidamo gurmayo ah ay gaareen halkaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, maadaama uu sii xoogeysanayo dagaalkan oo soo bilowday gelinkii dambe ee Talaadadii shalay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay magaalada Dhahar, wuxuuna salka ku hayaa dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo, maadaama dadka deegaanka ay doonayaan inay ku biiraan.

Puntland ayaa indhowaanahan dhaq-dhaqaaq ka wadday Sanaag, kaas oo ay ku diidan tahay inuu kamid noqdo SSC-Khaatumo, waxaana arrinta ay isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

Horay waxaa digniin culus u diray Madaxweyne Saciid Deni oo sheegay in dhibaatada ka timaada waxa ka socda Sanaag ay qaadi doonta cid kasta oo faraha kula jita in gobolkaasi lagu daro maamuka SSC-Khaatumo, waxaana ugu horreysa Dawladda Federaalka.

Dagaalkan sii socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan natiijo wayn lagu gaaray shirweynaha magaalada Laascaanood, taas oo ku aadan sidii ay maamul-goboleed rasmi ah u yeelan lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana la dhisay guddigii soo xuli lahaa ergada, kaas oo ka kooban 8 xubnood oo SSC-Khaatumo ah iyo 8 kale oo Maakhir ah.

- Advertisement -

Read more

Local News