27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Dagaal culus oo ka qarxay Jalalaqsi – Yuu u dhexeeyaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan maamulka degmada iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaasi.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan Jalalaqsi, gaar ahaan shacabka ku dhaqan gudaha degmadaasi.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa ka warbixiyay dagaalka, wuxuuna sheegay inay mar qura kusoo tooseen xabadda oo dhaceysa, aadna ay uga xun yihiin dagaalka.

“Saaka waabarigii ayaan ka war helnay xabad, waana ka xunahay meeshaas dagaalka ka dhacay oo u dhexeeyo dadkaasi walaalaha” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan, welina xaaladda ay tahay mid kacsan, maadaama labada dhinac ay is horfadhiyaan.

“Khasaare dhimasho iyo dhaawac waa jiraan, aad ayaana uga xunahay, Ilaahey hakala qaboojiyo” ayuu sii raaciyay.

Maleeshiyaadka weeerarka qaaday ayaa doonayay inay soo furtaan oday dhaqameed uu soo xiray guddoomiyaha degmada, Nuur Dheere, kaas oo xarigiisa xiisad wayn ay ka abuuray halkaas.

“Maamulka degmada Jalalaqsi oo soo xiray oday dhaqan iyo jufo beel kamid ah beelaha dega Jalaqsi ayuu u dhexeeyaa, waxayna doonanaayeen odeyga” ayuu mar kale yiri Nabadoonku.

Jalalaqsi ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay isku dhacyada hubeysan, waxaana badanaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News