27.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay dagaal culus deegaanka Ceel Hareeri, kaas oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar qorsheysan ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaankaasi.

Dagaalka oo ahaa mid si weyn loo qorsheeyay ayaa socday muddo ka badan hal saac, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hub culus, kaas oo jugtiisa laga maqlayay deegaano ka fog fog Ceel Hareeri.

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in weerarkaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma helin tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse warbixinnada horudhaca ah waxay tilmaamayaan in kooxda Al-Shabaab la gaarsiiyay jab culus.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa muujinaya karti iyo geesinimo ballaaran oo ay kaga hortagayaan halista kooxda Al-Shabaab, iyadoo weerarka maanta uu qeyb ka yahay howl-gallo taxane ah oo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda si weyn u taageeraya dadaallada xaq u dirirka, kuwaas oo ay u arkaan tiir-dhexaadka sugidda nabadda.

Bilowgii bishan ayey aheyd markii deegaanka Ceel Hareeri ka dhaceen dagaallo kale oo socday muddo afar maalmood ah, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Dagaalladaas waxaa ka mid ahaa mid lagu khaarijiyay horjooge muhiim ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.

Dhammaan dhacdooyinkan ayaa muujinaya sida ay ciidamada deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu heelan yihiin in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee dhibaatooyinka ku haya dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News