29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Faah-faahinta dil argagax leh oo ka dhacay Gaalkacyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacday magaaladaasi, kadib markii si wadajir ah hal goob loogu dilay nin kamid ahaa dadka deegaanka iyo gabar a socotay.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Kaamka Tawakal oo ku yaalla dhinaca ay maamusho Puntland oo ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana lasoo wariyay in dilka ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan oo si deg-deg ah goobta uga baxsaday

Labada marxuum waxaa lagu kala magacaabi jiray Saciid Guure Cali iyo Canab Burhaan, waxaana xilliga la dilayay ay la socdeen gaari nooca raaxada ah, iyaga oo ku socdaan xaafad ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Saciid Guure Cali ayaa Taksiile caan ka ah magaalada, halkan gabadha ay kamid ah dhalinyaro deegaanka, waxayna xiligaas ka timid goob loo dalxiiso oo ku taalla halkaasi, hayeeshee waxaa waddada ku helay maleeshiyaadka oo rasaas huwiyay, kadibna cararay.

Intaas kadib waxaa goobta uu falku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Puntland oo howlgallo kooban sameeyay, balse illaa iyo hadda kama hadlin dhacdadan iyo natiijada laga gaaray howlgallada ay ka sameeyeen gudaha magaalada.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in dilka labada marxuum uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo ka taagan halkaasi, waxaana marar badan degmada ka dhacay dilal lasoo qorsheeyay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana haatan soconayo qaban qaabada aaska ninka iyo gabadha xalay si gar darrrada ah loogu dilay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil, waxaana magaaladaas muddo dheer ka taagan colaad beeleed, taas oo sanado badan qaadatay.

Si kastaba, dhacdadan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii ugu dambeeyay gobolka Mudug ay dib uga qarxeen dagaal beeleedyo sababay khasaarooyin kala duwan.

- Advertisement -

Read more

Local News