Juba (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay waddada isku xirta magaalooyinka Juba iyo Terekeka ee dalka Koonfurta Suudaan.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Dadka Koonfurta Suudaan, Jeneraal Lul Ruai Koang, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga lagu gubay muwaadinka Soomaaliyeed, halkaasna uu ku naf waayay.
Jeneraal Lul ayaa weerarkan dusha ka saaray dagaalyahanno ka tirsan kooxda SPLA, oo uu hoggaamiyo Dr. Riek Machar. Kooxdan ayaa horey loogu eedeeyay falal amni darro ah iyo weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay dhacayeen weerarro xiriir ah oo lagu qaaday gaadiid ay saarnaayeen ganacsato marayay deegaanka Gok-Machar ee degmada Aweil North. Weeraradan ayaa kor u qaaday walaaca ku aaddan xaaladda ammaan ee gobolkaas.
Sida uu sheegay booliiska deegaanka, gaari kale oo siday lix qof ayaa sidoo kale la afduubtay, iyadoo dadkaasi loo kaxeeyay dhanka saldhig ay maamulaan dagaalyahannada weerarka geystay. Lama oga xaaladda rasmiga ah ee dadkaasi hadda.
Booliiska Koonfurta Suudaan weli ma aysan shaacin magaca iyo faahfaahinta muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay. Balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaanno, ayna dib kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.
Dilkan iyo weerarada kale ee la midka ah waxay muujinayaan halista ay wajahayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ajaanibta kale ee ku nool ama maraya waddooyinka dalka Koonfurta Suudaan.