Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo lagu khaarajiyay laba qof oo rayid ah, kuwaas oo lagu toogtay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in labada qof ay toogteen dabley hubeysan, xilli ay ku sugnaayeen xarun ganacsi oo ku dhow xarunta maamulka gobolka. Weerarka ayaa dhacay si lama filaan ah, iyadoo dadka deegaanka uu argagax ku dhacay.
Dableyda falka geystay ayaa la tilmaamayaa inay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, ka hor intii aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka. Lama oga weli cidda rasmiga ah ee ka dambeysa falkaasi dilka ah.
Ciidamada booliiska gobolka Nugaal ayaa durba bilaabay baaritaanno ku aaddan sida uu falku u dhacay iyo sababta ka dambeysay. Wararka hordhaca ah ma sheegin in la hayo dad loo qabtay falkaas, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dhammeystiran.
Falalka noocan oo kale ah ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe, kuwaas oo marar badan soo wajahday dhacdooyin la xiriira amni-darro.
Maamulka gobolka iyo laamaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dilkan, marka laga reebo wararka sheegaya inay socdaan howlgallo lagu raadinayo dambiilayaasha dilka geystay si loogu soo gacan geliyo cadaaladda.
Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha dhacdadan, kala soco Caasimada Online.