25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Faah-faahinta dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilkan ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Xasan, kaas oo ku shaqaysan jiray mooto Bajaaj.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu geystay askari ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland, kaas oo illaa hadda aa gacanta lagu dhigin, hase yeeshe la aqoonsaday shaqsiyadiisa.

Marxuumka ayaa la toogtay xilli uu ku sii socday isbitaalka Gaalkacyo, oo u waday wiil dhaawac ah oo ay taleefoon ka qaateen koox burcad ah.

Ilaa hadda laamaha ammaanka ee magaalada Gaalkacyo wax faahfaahin ah kama bixin dhacdadaas, halka dilka wiilka dhalinyarada ah uu murugo iyo hadal-hayn ku reebay bulshada deegaanka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal kala duwan, kuwaas oo qaarkood la xiriira aanooyin qabiil, waxaana magaaladaas muddo dheer ka taagnaa colaad beeleed soo jiitamaysay sanado badan.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay laamaha ammaanka muddooyinkii u dambeeyay kordhiyeen dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News