28.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Hargeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Dilkan ayaa loo geystay oday da’ ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Haybe Khayre (Cabdi Dheere). Dilka ayaa la sheegay in loo adeegsaday bastoolad, iyadoo ninkii dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya dilkan ayaa sheegaya inuu salka ku hayo muran dhul, inkastoo weli ay socoto baarista kiiskan oo haatan gacanta ku hayaan laamaha amniga Somaliland.

Booliska Somaliland oo goordhoweyd ka hadlay dilkan ayaa shaaciyay magaca eedeysanaha geystay, kaasi oo ay ku sheegeen Aabi Muuse Cilmi.

“Ciidanka Booliska JSL waxa ay wadaan hawlgal baadhiseed ay ku raadinayaan eedeysane Aabi Muuse Cilmi oo ku eedeysan dilka Marxuum Cabdi Haybe Khayre (Cabdi Dheere), kaasi oo ku dilay abbaaro 10:00 subaxnimo ee maanta, degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka, “Eedeysanaha falka geystay waa la aqoonsaday, waxaana socda dadaallo xooggan oo ay Ciidanka Boolisku ku doonayaan in lagu soo qabto eedeysanaha.”

Booliska ayaa bulshada Somaliland ka codsaday inay ka qeyb qaataan gacan ku soo dhigista eedeysanaha baxsadka ah, si loo marsiiyo cadaaladda.

“Cid kasta oo xog ama warbixin ka haysa eedeysanaha ha la soo xidhiidho saldhigyada Booliska ee ugu dhow,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Booliska.

Bilihii u dambeeyay waxaa caasimadda kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii bishii August goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan-ku-dhiiglayaasha, kuwaas oo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan-ku-dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, illaa hadda booliska Somaliland waa ku guul-dareysteen soo qabashadan gacan-ku-dhiiglaha geystay oo isagu markii uu falka geystay, isla markiiba ka baxsaday goobta.

Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.

- Advertisement -

Read more

Local News