Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo maanta dhacday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaannada Labagaras iyo Sumadaale ee bariga gobolkaasi, waxaana lala eegtay bartilmaameedyo muhiim ah.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaaraduhu duqeeyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab iyo goobo ay u yaalleen gaadiidka, waxaana ka dhashay khasaar culus.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta gantaallada lagu garaacay deegaannadaas, oo kamid ah meelaha ay soo galeen Al-Shabaab, balse waxa ay tilmaameen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xaaladda cakiran, waxaana adag in macluumaad dhammeystiran laga helo goobaha la duqeeyay oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee saaka ka dhacay bariga gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeyntan ayaa qayb ka noqoneyso howlgallo ka socday gobolkan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.
Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay Shabeellaha Dhexe, iyada oo la wareegtay inta badan deegaannadii horay looga saaray ee gobolkaasi, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.
Si kastaba ahaatee, dowladda federaalka ayaa haatan wadda qorsheyaal ballaaran oo ku aadan sidii ay dib ugu qaadi lahay guluf Shabaab ooga saari lahaa Shabeellaha Dhexe.