Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno ayaa kasoo baxay qarax caawa ka dhacay waddada 21-ka October, gaar ahaan afaafka hore ee Xerada Afisyooni, oo ku dhow Suuqa Beerta.
Qaraxa ayaa haleeyay gaari ay leeyihiin ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran, oo halkaas marayey.
Goobjoogeyaal la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya inaanay kala cadayn in qaraxa uu ahaa mid wadada dhinaceeda lagu sii diyaariyay iyo inuu ahaa mid gaarigaasi lagu soo xiray, balse aad uu cuslaa.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga, uuna jirau burbur gaariga ka soo gaaray qaraxaasi. Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda ay waxyeello kasoo gaartay qaraxa, balse aysan garaneyn tirada rasmiga ah.
Saraakiil Booliska ka tirsan ayaa sheegay inaysan jirin askar wax ku noqotay qaraxaasi, balse ma jirto cid ka madaxbannaan oo arrintaasi xaqiijin karta.
Qaraxan waxa uu ku soo beegmayaa, xilli Taliska Booliska uu maanta sheegay in la adkeeyay amniga Magaalada Muqdisho, iyadoo berrito lagu wado in magaalada lagu aaso Gudoomiyihii Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

