28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Faah-faahinta arrin naxdin leh oo ka dhacday Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa naftooda ku waayay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen shil naxdin leh oo ka dhacay isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii gaari xawaare sare ku socday si lama filaan ah ugu dhacay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah. Dadka shilka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa dhammaantood kasoo jeeda hal qoys, waxaana la sheegay inay kasoo laabanayeen xaflad aroos ah oo ay ka qayb-galeen.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta shilku ka dhacay ayaa muujinaya in dadka geeriyooday ay badankoodu ahaayeen haween, marka laga reebo darawalkii waday gaariga.

Shilka ayaa la sheegay inuu sababay gaari Saaruf ah oo si xowli ah u socday, kaas oo si toos ah ugu dhacay Mooto Bajaajta. Markii uu gaarigu marayay isgoyska Miranaayo, ayuu si kedis ah ugu dhacay gaadhiga yar ee uu qoyskaasi saarnaa, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Labada ruux ee dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee ku dhow, si xaaladooda caafimaad loo daryeelo. Dhanka kale, meydadka saddexda qof ee dhintay ayaa la geeyay xarunta CID, halkaas oo lagu aqoonsanayo kahor inta aan loo gudbin eheladooda.

Hay’adaha ammaanka iyo ciidanka taraafikada ayaa si deg-deg ah u tegay goobta shilka. Waxay xireen darawalkii waday gaariga Saaruf-ta ahaa, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax faahfaahin ah oo ay laamaha amnigu ka bixiyeen sida uu shilka u dhacay iyo xaaladda darawalka la qabtay.

Warbixin dhammaystiran ayaa la filayaa in hay’adaha amniga la wadaagan bulshada kadib marka baaritaanka horudhaca ah la dhameeyo.

- Advertisement -

Read more

Local News