Faahfaahin ku saabsan dil ka dhacay Muqdisho maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay Sheekh Cali Maxamed Cismaan oo ka mid ahaa Nabadoonada Soomaaliyeed, kaas oo ay toogteen kooxo bistoolada ku hubeysnaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Siliga Ameerikaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka la toogtay, xilli uu ku sugnaa xarun ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi, waxaana goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeyey falkaasi.

Sidoo kale waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo dhacdada, kadib baaritaano kooban sameeyey.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo sidoo kale maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho oo howl-gallo ay ka bilaabeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomalaiyeed, kadib weerarkii hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.