Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay Buulo-burte

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Buulo-burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay koontarool ku yaala dhanka koonfureed ee magaalada, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 3 askari halka uu ku dhaawacmay askari kale oo xilligaas ku sugnaa goobta ay wax ka dhacen, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howlgalka halkaasi.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uliiyiinta maamulka degmada ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay intaba.

Buulo-Burte oo ay ka howlgaan ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay ka fuliyaan xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadeen wadooyinka waa weyn ee isku xira gobolkaasi.