Faallo: Arbaco! bil sideed ah! Lama filaankii Farmaajo miyey noo xigi doontaa lama filaan Camp Nou ka hirgala?

Wax badan aqoon uma lihi Siyaasadda Iyo ka hadalkeeda, balse wuxuu qof walba la yaabi karaa sababta aan isugu lifaaqay Siyaasadda Iyo Kubadda Cagta, balse kaliya haka raacin labada is diidane ka fiiri dhanka (Lama Filaanka).

Maraan Baan Xasuusane Taariikhduu Waa Ma Guurtee Maskaxdii Fiyowbaa Ka Macaashta Waayaha Mahadhada Ku Reebee – Gabay

Waxaan ka heynaa Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee waqtiga Casriga ah, Ujeedka xigashadeyda ayaa ah inaan xusuusuno wixii ka dhacay Arbaco Bil Sideed Ah Bishii labaad Ee Sanadkaan markaas oo Madaxweyne Mohamed Abdullaahi Farjaamo Loo Doortay Madaxweynaha 9-aad ee Dalka Soomaaliya.

Waxey aheyd Aheyd Lama Filaan uu qof walba si amakaag ah farxad u muujiyay, waxey aheyd maalin qurux badan oo qof walba uu iska dhaadhiciyay iney wax walba hagaageen. “Ma Aheyd Sidaas? Dabcan Iguma Diidi Doontid – Waxaana rajeynayaa oran doonitid sidaan filayo. “Saxiix”

Dabcan Hadaad Lama Filaankaas Igu Raacday – Horay usoo soco, Hadaadse Igu Diiday adigoo Liqi La’  horay usoo soco si aad u aqriso Qormadeyda Hoose.


Barcelona waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Dunida waqtigaan, waana koox heysta Shaxda ugu fiican ilaa iyo haatan marka kaliya la eego weerarka sadex aflaha ah ee sida holaca u muuqda markaad daawaneyso. Hana Iloobin in PSG ay tahay kooxdii soo rafaadsatay midda sidaan u weyn markii la isku arkay Paris.

Laga Yaabee In Maskaxaada Is Weydiiso – Halkey Jireen Kulankii Parc des Princess? Laakiin jawaabta kaliya aan kuu haayo waxey tahay Paris Saint Germain wiilasheeda ayey u aheyd habeenkii ugu wacnaa waayahooda sanadahii dambe, sidoo kalana (Maalin Walba Gariir Cade Geed Kuuma Saarna). Waase Laga yaabaa In Kulanka Camp Nou ay noqoto Habeenkii reer Catlonia, isla markaana ay dhigaan lama filaankii dalkeena ka hirgalay.

Qof Walba oo Catalonia ah war uma hayo xaaladda aan warka u heyno ee isbadalka Soomaaliya, balse kaliya waxey iyagu rajeynayaan iney taariikh cusub dhigaan, balse dadka ay qormadaan qaaska u tahay ee soomaalida ah ayaa fahmi kara halka aan ka hadlay.

ARBACO – 8-DA FEBRUARY 2017

Waa Maalin dadka u riyaaqay guusha Madaxda cusub ay ku asteeyeen: “Maalinta Shacabka Soomaaliyeed” Qofna maba filaneyn in Xassan Sheikh Maxamuud uu ka guuleysan doono ilaa ugu dambeynta uu isdhiibay madaxweynahii hore.

HALKEY ISKA SHABAHI KARAAN?

Hadiiba isbadalka halkaan uu ka dhacayo garoonka Camp Nou, Barcelona waxey noqon doonta (Farmaajo), halka Paris Saint Germain ay noqon doonto (Xasan Shiekh Maxamuud), laakiin qof kubadda cagta ah ma aamini karo iney dhici karaan.

Ku Darso in Farmaajo uu ku guuldareystay sanado ka hor inuu sii ahaado waqti badan Ra’isul Wasaaraha Dalka, balse markii dambe uu ku najaxay inuu helo kursiga madaxweynaha.

Soo macquul maahan sida Farmaajo usoo rogaal celiyay iney Barcelona usoo rogaal celiso? Waa su’aal adiga kugu qaameysan jawabteedana lagaaga fadhiyo.

Maxaa Ka Qeyb Qadan Kara Rumeynta Riyadaan Maalinta Ah:

TAAGEERAYAASHA BARCELONA:

Jamaahiirta Catalonia waa kuwa doonaya isbadal cusub, waana kuwa qeyb weyn ka qaadan kara in taariikh cusub laga dhigo dunida, in ka badan 90 Kun oo qof oo reer Catalonia ah ayaa imaan doona kuwaas oo jihada ka qasi doona wiilasha Paris Saint Germain.

Jahawareerka ay Jamaahiirta Balaugrana abuuri karaan waa kuwa niyad jabin kara ciyaartoyda, sidoo kalana is fahamka ciyaartoyda kooxda PSG dhexda ku dhufan kara madama sawaxanka oo saa’id ah aysan xitaa is maqli karin.

MSN – OO AY MAALINTOODII TAHAY:

Messi, Suarez Iyo Neymar oo a maalintoodii tahay, waa kuwa rumeyn kara riyada maalinta ah, qof walba ayaana aamini kara iney sameyn karaan wax walba, tan iyo isu imaatinkooda in ka badan 300 gool ayey dhaliyeen iyagoo isla jooga sadex xili ciyaareed oo aan buuxin.

ISKU DHEX-YAACA PSG:

Hadii xidigaha Paris Saint Germain ay isku dhex yaacaan daqiiqadaha hore ee ciyaarta, waxey noqon kartaa iney dhibaato baahsan kusoo gaarto Camp Nou sidii la yeelay Arsenal, Milan Iyo Bayern Munich sanadahii dambe.

UNAI EMERY OO HAFA:

Hafidda tababare Unai Emry, ama Ilduufka tababaraha Paris Saint Germain waa waxa ugu weyn ee Barca siin kara fursadda ugu fiican, waayo marka aad shaxdaada wareeriso, Barca waxey dareemi doontaa raaxo, hadey Barca dareento Raaxo waa waxa ugu xun ee qabsan kara kooxda kasoo horjeeda.

GO’AANNO GARSOORE:

Go’aanada garsoore ee u janjeera dhanka Barcelona waxey ciyaarta kadhigi kartaa mid qalaanqal ka dhex abuurta PSG iyo garsoorka, taasoo keeni karta in Barcelona ay ka faa’ideysato kalsoonida darada xidigaha kooxda kasoo horjeeda.

TER STEGEN OO NOQDA SPIDERMAN

Hadii aysan jahawareer baahsan galin Paris Saint Germain, waxaa la fili karaa iney dhawr jeer timaado goolka Barcelona, waxaase kooxdiisa badbaadin kara Ter Stegen hadii uu sameeyo badbaadooyin cajiib ah una diido iney gool helaan, hami weyn ayey galin kartaa Barcelona.

MAXAA BURBURIN KARA RIYADAN?

Kaliya waxaa burburin kara Paris Saint Germain oo u ciyaarta sidii Parc des Princess, Ter Stegen oo ay u noqoto habeen Murugo ah & Daafaca Paris oo ku guuleysta iney cagta-cagta u saaraan MSN.

GUNTII IYO GABGABADII:

Miyaan anigu u ololeynayaa Isbadalka Cusub? hahahaha Dabcan Maya!! haku fakarin taas, balse wax walba oo dhici kara in la cabiro waa loo baahan yahay, Barcelona iney soo baxdo waxaa ka dhaw iney PSG soo baxdo ayaan qabaa balse Mucjiso wey sameyn karaan Balaugrana.

Hadii Barcelona soo baxdo hal heeskii ahaa “Ar Farmaajo Ii Geeya” Waxaa Badali Doona “Ar Barcelona ii Geeya” laakiin markaan inaga iska hadalno cid loo geyn karo ma lahan.

 8-DA FEB IYO 8-DA MARCH – Ma Laba Maalin Oo Taariikhi Ah Bey Noqon Doonaan Sanadkaan?

 Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Shardinho –