Faallo: Maxaa u dawo ah dal aan laheyn taliyayaal hay’ado ammaan?

Dowlada Somalia ayaa weli ku howlan baadi-goobka Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida Qaranka oo la rumeysan yahay inay halboole u yihiin xasiloonida.

Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida ayaan laheyn Taliyayaal markii laga sootago kuwa KMG ah oo durbaba  laga tabanaayo dhaliilo kala duwan.

Taliyayaashii hore ayaa xilkooda ku waayay fashil dhanka amaanka oo ay u horseeden magaalada Muqdisho, xili labadaasi Hay’adood ay ku baxaan dhaqaale xoogan oo aan ku bixin Hay’adaha kale  ee dowlada.

Itaal darada heysata Hay’adaha aan ilaa iyo hadda laheyn Taliyayaasha ayaa la rumeysan yahay inay tahay xuquuq la’aan heysata ciidamada ka hoos shaqeeya, waxaana xusid mudan ‘’in Askari aan xuquuq laheyn uusan cadow kaa celin’’.

Taliyayaasha hadda ku magacaaban labada Hay’adood ee KMG ah, ayaa waxaa looga khibrad badan yahay dhanka amniga waxaana suuragal ah in qudhooda ay ka jiiftaan xaqiijinta amniga maadaama mas’uuliyada saran ay tahay mid KMG ah oo aan sidaa usii fogeyn mudada ay heyn doonaan.

Taliyayaasha Hay’adahan ayaa waxa ay shaqadoodii aheyd isku xirka Hay’adooda iyo kuwa caalamka iyo inay nidaamiyaan sharciyada ay ku shaqeyneyso Hay’ada.

Maqnaanshiyaha Taliyayaasha labadaasi Hay’adood ayaa hoos u dhac ku keeni karta amniga iyo in Somalia ay adduunka la qeybsato shirarka amniga.

Sidoo kale, waxaa adduunka ka mamnuuc ah in dal uu saacad qura noqdo Taliye la’aan, halka Somalia muddo ku dhow bil iyo bar ay dhex maquureyso Taliye la’aan soo waafaqday Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida.

Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudbooneyd inay sii diyaariso Taliye cusub ka hor inta aysan xilka ka qaadis Taliyayaasha ku magacaaban Hay’adaha amaanka maadaama aysan lamid aheyn Wasaaradaha oo sii shaqeynkara Wasiir la’aan.

Sidoo kale, fashilada ugu badan ee dowlada Somalia ka heysta dhanka amaanka ayaa ah isbedelka joogtada ah ee lagu sameynaayo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka taa oo xitaa qalqal dhaqaale galinkarta Hay’adaha.

Isbedelada joogtada ah ee lagu sameynaayo Taliyayaasha ayaa xitaa saameyn ku yeelaneysa mooraalka Saraakiisha iyo Ciidamada, waxa ayna taa qeyb weyn ka tahay waxyaabaha soo dadajiya amni darada, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in Taliye waliba uu hamigiisa kusoo koobo boobka mushaaraadka ciidamada maadaama uusan kusii raagi doonin xilka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay su’aashu tahay Dal aan Taliyayaal Hay’ado amaan laheyn maxaa u dawo ah? oo badbaado u noqonkara shacabka ku hoos nool amniga iyo dadaalka ay wadaan Hay’adahaasi.

W/Q: Xasan Axmed C/Qaadir

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid