25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Faarax Cabdi Qaadir oo ka hadlay doorshada 2021 iyo cidda mas’uulka ka ah…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dastuurka Somalia Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somalia 2020 ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii.

Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo ka qeybqaadanayay barnaamijka Martida iyo Makarafoonka ee Idaacada VOA, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Somalia ay hesho doorasho xor ah oo ka duwan kuwii hore.

Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu tilmaamay in arrinku uusan aheyn suuragal iyo suuragal la’aan waxa uuna sheegay in qabsoomid la’aanta doorashada 2020 ee nin iyo codkii wax laga weydiin doono dowlada Somalia oo ballanqaday inay qaban doonto.

Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo wax laga weydiiyay in doorashadaasi ay dhici karto xiligaan ayaa waxa uu yiri “Anigu mala gaari karaa iyo mala gaari karo maaha waxa ay u taala dadka mas’uuliyiinta ah ee uu waajibka saran yahay, waxaa waajibka ah in la gaaro waana la balanqaaday”

“Haddii la gaari wayo doorasho nin iyo codkii iyo cidii ka gaabisaa waxaa lagala xisaabtami doonaa cida mas’uuliyadaasi leh”

Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu sheegay in dib u dhac ku imaadaa doorashada nin iyo codkiisa ay kula xisaabtami doonaan dowlada Somalia oo uu sheegay inay ballanqaday qabashada doorashada noocaasi ah.

Sidoo kale, Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay isbedelo dhanka doorashada ah, waxa uuna aad usoo dhaweeyay xisbiyada loo mari lahaa hanaanka doorasho ee nin iyo codkii oo la diiwaan galiyay.

Docda kale, Xildhibaanka waxa uu arrin laga wanaagsan yahay ku sheegay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay ka dhabeyn weyso qabashada nooca doorasho oo ay ballanqaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News