Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha Xamarweyne lala xiray gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmadaasi, kadib lagu helay musuq maasuq gargaar loogu talo galay ciidamada naafada xooga dalka.
Arinta xiritaanka ayaa ka dambeysay kadib amar kasoo baxay ku xigeenka xeer ilaalinta qaranka lagu sheegay in loo baahan yahay in lasoo xiro gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada iyo gudoomiyaha degmada Xamarweyne.
Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa xiray ganacsato la sheegay inay iibsadeen raashiinkaasi iyo dad la sheegay inay u kala dalaalayen ganacsatada iyo masuuliyiinta la xiray.
Raashiinka la musuqmaasuqay oo gaaraya labo gaari ayaa laga qaaday shirkad Turki ah, waxana la doonayay in loo qeybiyo ciidamada naafada xooga dalka oo xubnahooda muhiimka ku waayey dagaalkii lala galay ciidamadii Ethiopia.
Qaar kamid ah xubnaha maamulka gobolka Banaadir oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay arintaan, laakiin waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.
La soco waxii soo kordhaa
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

