Fadeexad ka taagan W/Waxbarashada DF iyo qoraal ku socda Kheyre

Mudane Ra’isal Wasaare;

Ka hor magacaabiddii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee DFS Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Daahir, Wasaaradda waxay lahayd qaab-dhismeed (Ministry Structure) ku Salaysan baahida shaqo shaqaale ee ay u baahan yihiin Shacabka loo adeegayey oo ahaa mid ka tarjumayey 2 garab ee wasaaradda oo kala ahaa

1) Waxbarashada Hoose, iyo

2) Waxbarashda sare iyo Hidaha,

Sidaas awgeed, wasaarddu waxay lahayd Laba Agaasime Guud iyo Xoghaye Joogto ah oo ayaga ka sareeya, Nasiib daro markii uu yimid wasiir C/raxmaan wasaaradda isla markiiba waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimayaashii Guud ee labada ahaa ee hagayey shaqada labada qaybood ee wasaaradda , Nasiib daro halkaa kuma joojine wuxuu magacaabay Agaasime Guud oo cusub oo uu u magacaabay Nin ay saaxiibo ahaayeen oo aan ahayn shaqaale dawladeed, sidaas ayaa waxa uu ku lumiyey qaab-dhismeedkii Wasaaradda Waxbashada, Qaab-dhismeedkaan Cusub (Agaasime waaxeed— Agaasime Guud—- Xoghaye Joogto ah—- Wasiir Xigeen— Wasiir Dawladeed— Wasiir) oo aan ahayn mid sax ah kana soo horjeedo dhamaan hab-raaca shaqo waxa wasiirka ku kalifay oo kaliya Aqoon xumi iyo Nin jeclaysi aan loo aaba dayin.

Mudane: Waxa kasii darnaa Taariikhdu markay ahayd 25/10/2017, Wasiir C/raxmaan waxa uu kasoo muuqday Saxaafadda asagoo magacaabay Agaasimayaal Waaxeedyo cusub asagoo xilka ka qaaday dhamaan agaasimayaashii hore ee Xilalka ka hayey qaybaha wasaaradda, Asagoo aan wax wada tashi ah iyo ogysiinba siin isla markaasna cadayn sababta keentay in dhamaan agaasimayaashii waaxyaha wasaaradda xilka laga qaado, sidaas oo kale ma jirin wax tartan ah oo loo galay xilalka uu magacaabay, waxaase la yaab noqotay in uu wax wada tashi ah ka galin Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda markii ay waydiiyeena ugu jawaabay aniga ayaa kaligeey wixii aan doonayo sameenayo ee meel fadhiista. Wasiir C/raxmaan waxa uu ku been abuurtay sida aad ka aragtaan warqadda uu soo saaray Qodobka 60aad ee dastuurka waxaana dhici karto in uusan fahmin Dastuur laga been sheego waxa ay sababsan karto,

Mudane; Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 Dhamaan agaasimayaashii wasaaradda ee Xilka ka qaaday wasiir C/raxmaan waxa ay dacwad u qorteen Gudiga Shaqaalaha Rayidka (Eeg Lifaaqa),  Gudiga Shaqaalaha Rayidka 30/10/2017 (eeg Lifaaqa) waxa uu kasoo jawaabay warqadii wasiirka Asagoo dib u celiyey Magacaabidii uu sameeyey Wasiir C/raxmaan oo uu ku tilmaamay mid aan haboonayn habka loo maray xil ka qaadista iyo magacaabida shaqaalaha, waxa intaa xigay in uu Warqad kale oo sharci ah soo saaray, Wasiiru Dawlihii Wasaaradda Mr Jaabir 31/10/2017 (Eeg Lifaaqa) oo ahaa kusimaha wasiirka maadaama wasiirku ku maqnaa Nairobi, Warqadaas oo soo dhaweeysay goaanka gudiga shaqaalaha rayidka oo ahaa mid ilaalinaya xuquuqda shaqaalaha inaan lagu tuman.

Wasiir C/raxmaan, Waxa uu Horay u lumiyey Kalsoonidii wada shaqayn ee Wasaaradda waxbarashada Jubbaland iyo Puntland, Sidaas oo kale waxa uu lumiyey Wada shaqayntii Wasaaradda waxbarashada Galmudug (eeg Lifaaqa), Wasiirku waxa uu door biday in uu wasaaradda ku soo xareeyo kooxo ay isku fikir siyaasad yihiin halkii uu hor marin lahaa danta guud ee bulsho waynta soomaaliyee, Wasiirku wuxuu dhawr goor si bareer ah ugu celceliyey in uu Saaxiib dhaw la yahay Raiisal wasaaraha qaranka Mr Xasan Cali Khayre oo uu awood buuxdo u leeyahay in uu wuxuu doono samayn karo, Wasiir C/raxmaan wuxuusan fahmin xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah ee XEER 11 iyo Dastuurka qaranka qodobka 116, Wasiirku waxa caado u noqotay in uu u hanjabo shaqaalaha iyo cid kasta oo ka hor timaado fikirkiisa guracan.

Mudane: Sidaas awgeed waxa aan halkaan uga codsanayaa Raiisal Wasaare Khayre  in ay umadda uu ka qabto C/raxmaan Cabdi Daahir oo ah shaqsi aan gaarsiisanayn hawsha dusha laga saaray, Galiyey wasaaradda heer Federaal iyo heer Maamul goboleedba Khalkhal iyo Jahawareer dhan kasta ah , isla markaasna uu ka hor keenayo dawladda shacabka iyo Shaqaalaha Xalaasha ah ee Soomaaliyeed.

Fadlan Daalaco Dhamaan Cadaymahan hoose.