Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ka tirsan BFS ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare uu xiligaani bixinaayo Mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada NISA.
Ilo wareedka aan xogtaani ka xiganeyno oo kamid ah Baarlamaanka dalka, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Tuuryare uu Xildhibaanada isaga jeedinaayo dhaqaale si aan loogu mashquulin fashilka ka heysta sugida amaanka magaalada Muqdisho.
Ilo wareedka ayaa intaa kusii daray in Cabdiraxmaan Tuuryare uu Xildhibaano kor u dhaafaya 80 uu ku qarash gareeyay miisaaniyada Ciidamada NISA, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in Xildhibaanadaasi ay Tuuryare ugu booqasha tagayaan Hooygiisa iyo Goobaga kale ee uu ku badan yahay.
Sidoo kale, Xildhibaanka Xogtaani ay Caasimada Online kasoo xigatay waxa uu carab dhabay in Xildhibaanada dhaqaalaha lasiinaayay ay yihiin kuwa ugu miisaanka culus ee ka danbeeyay in Tuuryare iyo Wasiirka amniga la horgeeyo BFS.
Arrintaani ayaa farta ku godeysa mas’uuliya darida ka dhex jirta Dowlada Somalia ee aan isla xisaabtanka laheyn, waxa ayna tani suuragalin kartaa in Bilaha soo socda Ciidamada NISA Mushaar loo waayo, bacdamaa dhaqaalaha lagu bixiyay qaab khaldan.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]