Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Doorashadii maanta ka Dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Doorashada maanta dhacday ayaa waxaa kusoo baxay Wasiir Nuux oo dhawaan weeraray xarunta ay doorashada ka socto ee magaalada Jowhar.
Doorashada kadhacday magaalada Jowhar oo laba maalin un ka hor laga mamnuucay Wasiir Nuux, ayaa waxaa dib u amray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka talaabaya go’aanka Guddiga Doorashooyinka ay ku mamnuucen Doorashada Wasiir Nuux.
Wasiir Nuux ayaa waxaa u codeeyay Ergo aan beeshiisa kasoo jeedin kuwaasi oo beel ahaan la sheegay inay kasoo kala jeedan beelaha Gaaljecel, Xawaadle iyo Jareerweyne oo ay soo xuleen xubno magaalada Jowhar wakiil uga ah Damul-jadiid gaar ahaan kuwa qaabilsan tashkiilinta Xildhibaanada cusub.
Doorashada ka socta magaalada Jowhar ayaa noqoneysa Doorashadii ugu musuq-maasuqa badan marka laga soo tago tan ka socota magaalada Cadaado.
Sikastaba ha ahaatee Kooxda Damul-jadiid ee talada dalka heysa ayaa awood ku maquunineysa Musharaxiinta loolanka ugu jira kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]