25.6 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Fahad oo raadinaya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo weli ka aamusan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay aamusnaanta Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo iyagu weli ka aamusan xad-gudubka Israa’iil oo Somaliland u aqoonsatay “dal madax-banaan”

Fahad ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaaro labada hoggaamiye, isagoo xusay in tani abuurayso shaki ah inay raalli ka yihiin ama shirqoolka wax ka maleegeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, ilaa haddeer waa iyaga aamusan, sabab loogu cudurdaaro ma jirto, waliba Saciid Dani oo madax ka ah deegaan muhimad weyn leh oo midnimada ilaalinteeda caan ku ah,” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa galinkii dambe ee Jimcihii si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Dhawaaqan kasoo yeeray Israa’iil ayaa waxaa si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dalal dhowr ah oo saaxiib la’ah ay si adag u cambaareeyeen xad-gudubka Tel-Aviv.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Aaway labadii oday: Deni iyo Madoobe!

Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, ilaa haddeer waa iyaga aamusan, sabab loogu cudurdaaro ma jirto, waliba Saciid Dani oo madax ka ah deegaan muhimad weyn leh oo midnimada ilaalinteeda caan ku ah.

Haddii Saciid uu sidaas uga sii aamusnaado, waxay muujineysaa iney haysato duruuf u gooni ah oo uu kaligiis ogyahay, waxayna abuuraysaa shaki ah inuu raalli ka yahay ama inuu shirqoolka wax ka maleegay.

Axmed Madoobe iyo Saciid Dani waa inay fahmaan xilalka ay ku fadhiyaan inay ku matalaan dareenka iyo wadaniyada lagu yaqaanno shacabka ku nool labadaas deegaan ee aysan xilalka ugu shaqaynin dareenkooda iyo danhooda gaarka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News