Fahad oo sheegay in dilka IKRAAN ay ka dambeeyeen R/W Rooble, Mahad Salaad iyo Al-Cadaala (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA, balse la sheegay inay u gacan gashay Al-Shabaab, ayna dileen, taas oo abuurtay xiisad xoogan.

Fahad Yaasiin ayaa qaybta 3-aad wareysi taxane ah oo looga qaaday markii ugu horreysay ku shaaciyey xog la-yaableh, wuxuuna tilmamay in mas’uuliyiin iyo dalal shisheeye ay iska kaashadeen kiiska Ikraan Tahliil Faarax, si loo sumadcad dilo hay’adda Nabad Sugidda.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin oo carab baabay dadkaasi ayaa ku sheegay inay yihiin Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, sidoo kalena sheegay inuu wax ka ogaa ra’iisul wasaare Rooble.

“Gabadhaas gaari ayaa lagu qaaday nin xildhibaan ah oo la yiraahdo Mahad Salaad baa lala kulansiiyey, isagaa gaari ku qaaday, gaarigiibaa laga qaaday waxaa la geeyey Daaru-Salaam xaafad la yiraahdo oo Xamar ku taalla oo dadka magaalada ugu ladan ay dagan yihiin gurigaas ayaa laga qaaday waxaa la marsiiyey Shabeelaha Hoose, meel Jilib u dhow ayaa la geeyey halkaas ayaana lagu dilay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dilka gabadha uu fuliyey Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

“Nin la yiraahdo Mahad Karataay oo madaxda Shabaabka ka mid ah ayaa howlgalka fuliyey oo xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri “Ra’iisul wasaaruhuna wuu ka war qabay dhibaatadaas in loo geysanaayana. Aaqiro qofka gabadhaas la weydiinaayo waa Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farsamada lagu fuliyeyna Al-Cadaala ayaa iska lahaa gacanta fulisayna waa Mahad Salaad cida dishayna waa Al-Shabaab,” ayuu markale yiri.

Fahad ma shaacin dalalka uu sheegay inay qayb-qaateen ‘dilka Ikraan’, balse wuxuu tilmaamay inay yihiin labad dowladood.

“Waa laba dowladood, hadda ma rabo inaan magacyadooda sheego dadka Soomaaliyeedna waa fahmayaan,” ayuu yiri Fahad.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan dartiis uu isaga halis badan u galay, isla-markaana lagu celiyey waddanka Jabuuti, xilligaas oo uu doonayey sida uu sheegay inuu kiiskan Ikraan Tahliil horgeeyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya,.

Hadalkan kasoo yeeray Fahad Yaasiin ayaa kusoo beegmaya, iyada oo horey mas’uuliyiinta uu hadda eedda u jeediyey qudhooda ay kiiska Ikraan dhabarka u saareen isaga iyo NISA.