Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ayaa maanta ku dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo ay kaga midoobeen hal xisbi oo cusub.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen, hoggaamiyeyaashan oo muddo wadatashiyo ku jiray ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga cusub ee ay ku midoobeen loogu magac daray “Midowga Haybad Qaran.”
Midoowgan ayaa yimid kadib kulamo isdaba joog ah oo si qoto dheer looga falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midnimada ummadda. Hoggaamiyeyaashu waxay isla qireen “dhaawaca gaaray midnimada iyo wadajirka dalka, burburka dhaqaalaha, dayaca adeegyada bulshada iyo rajo beelka ka muuqda dowladnimada Soomaaliyeed.”
Go’aanka ugu weyn ee kasoo baxay kulamadan ayaa ah in Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, loo doortay inuu noqdo Murashaxa Xisbigan ee xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa shirweynaha guud ee aasaaska xisbigan, kaas oo si rasmi ah loogu shaacin doono murashaxnimada Mudane Shirdoon.
Hoggaamiyeyaasha saxiixay heshiiskan midoobidda waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka:
- Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
- Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
- Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
- Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
- Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
- Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
- Mudane Ducaale Aadam Maxamed
- Mudane Faarax Calı Shıre
- Mudane Taabid Cabdi Maxamed
- Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.
Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay.
Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, islamarkaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.


