Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan dibad-joog ah ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira doorashooyinka.
Fahad ayaa warbixintiisa ciwaan uga dhigay 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗡𝗔𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗛𝗔𝗬, 𝗔𝗡𝗔𝗔𝗡𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗛𝗜𝗦𝗗𝗛𝗔𝗬!, wuxuuna toos ugu weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku howlan qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Agaasimihii hore ee NISA ayaa xusay in Madaxweynuhu kaligiis maamulanayo doorashada, ayna tahay xaflad aroos oo uu dhiganayo, sida uu hadalka u dhigay.
“Mucaaradku wey ka gar daran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Natiijada doorashada inay aqoonsadaan loogama baahna. Dhaqaale Qaranku leeyahay lama galinin. Waa dukaan Odayga kaligiis u furan” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku yiri “Madaxweynaha haloo dhaafo xafladdiisa arooska inuu siduu doonayo u dhigto”.
Fahad ayaa sidoo kale duray guddiga doorashada iyo xisbiyada tartamaya, isaga oo xusay in dhammaantood ay hoostagaan Madaxweynaha.
“Gudiga doorashada kaligiis ayaa dhistay. Miisaaniyadda ku baxaya doorashada kaligiis ayaa jeebkiisa ka bixiya. Xisbiyada tartamaya kaligiis ayaa iska leh. Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka wax dhaqaale ah kuma darsanin” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Ugu dambeyn wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Odayga, wuxuu na leeyahay, anaa gadhay, anaana gadhisdhay ee qaylada iga dhaafa. Waa gartiis ee codka hoos halooga dhigo”.


