26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri carada Yuusuf Madaale?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka falceliyey carada guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Madaale oo dhawaan ay is qabteen isaga iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaale ayaa kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo cabanaya, kadib markii ku xigeenka xoghaya Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu ku dhawaaqay inuu xisbigooda musharrax u yahay guddoomiye Muungaab, uuna ku metali doono doorashada ka dhaceysa Muqdisho.

“Waxaa ii muuqaneyso cadaaladdii xisbiga aan ku dhawaaqnay ee aan magaca ka dhiganay iyo doorashadii aan dadka u sheegeynay ayaa mugdi soo galay, Soomaalidu waxay tiraahdaa koba tole kobihiisa ayaa la fiiriyaa” ayuu horay u yiri guddoomiye hore Madaale.

Sidoo kale wuxuu ku daray  “Waxaa nasiib darro ah in ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga JSP in meel olole uu ka socdo uu ku dhawaaqo musharraxa Xisbiga JSP ee gobolka Banaadir, Xisbiga JSP waxa uu leeyahay xeer hoosaad doorasho”.

Intaas kadib Fahad Yaasiin oo maanta soo jawaabay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso in Madaxweyne Xasan Sheekh aan lagu aamini karin doorashada, isaga oo sababta ku sheegay inuu isku wadi waayay xubnaha xisbigiisa ee ka qayb-galaya tartanka.

“G𝐀𝐑𝐍𝐀𝐐𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐔𝐒𝐔𝐅 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐄 Dacwadda Mudane Yuusuf Madaale waxaa laga baranayaa hal cashar. Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wasajirka Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii uusan karti u lahayn inuu kala maareeyo musharaxiinta xisbigiisa dhexdiisa ah, oo ay ka cabanayaan ku shubasho iyo gabood fal, sidee buu u rabaa in lagu aamino doorasho qof iyo cod ah, oo u baahan quuris iyo dhawrista xeerarka qaran” ayuu qoraakiisa ku yiri taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu burburiyay dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa, sidoo kalena haatan laga cabanayo xeerkii gaarka ahaa ee xisbigiisa.

“Dastuurkii heshiiska lagu ahaa wuu ka guuray. Xeerarka doorashada ee la isla waafaqsanaa wuu laalay. Maanta waxaa la marayaa in laga cabanayo ku tumashada xeerkii xisbul xaakimka” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Masaajidka haday qaylo ka soo yeertay xaggee loo caraayaa?”.

Fahad Yaasiin ayaa dhawaan kasoo muuqday xisbiga Haybad Qaran oo ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka, waxaana musharrax Madaxweyne ay ka dhigteen Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho iyo dibadda.

- Advertisement -

Read more

Local News