Kismaayo (Caasimada Online) – Fa-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo uu xalay mar kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe u qaaday gobolka Gedo, si uu u difaacdo, wuxuuna soo magacaabay Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) oo noqonaya Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolkaasi.
Macalimuu oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayaa muddo dheer ka shaqeynayey Gedo, wuxuuna qayb ka ahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka taagan.
Axmed Madoobe ayaa weli gacanta ku haya xubno deegaankaas ka soo jeeda oo daacad u ah xukunkiisa, inkasta oo inta badan bulshada gobolka Gedo ay diideen maamulkiisa, isla markaana ay la safteen dowladda federaalka.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka jira gobolka Gedo, si uu ula loolamo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, sida ay tilmaamayaan qorshayaasha madaxda dowladda dhexe.
Si kastaba, Lama hubo waxa ay magacaabista Macalimuu ka beddeli karto xiisadda gobolka Gedo ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, hase yeeshee waa siyaasi saameyn iyo xiriir ballaaran ku leh bulshada gobolka.
Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaxay Axmed Madoobe?
Cali Warsheelle: “Gobolka Gedo ha dhihinee guddoomiyaha amniga iyo siyaasada degmada Kismaayo dheh ileen Gedo ma tagi karee?”.
Cabdisalaan Axmed: “Waa ku saxan tahay deegaanka adaa ka taliyo cid kale wax lagama weydinayo”.
Macallin Yare: “Gedo maxaa Axmed ka yaal!! maskiin kaanse maxaa dhiiqada iyo khayaaliga loo gelinaa!!!!!!?”.
Cali Maxamed Aadan: “Hadda ayuu gobolka Gedo kuso laabanayaa gacanta dowladda Jubbaland”.
Cabdiqani Xasan: “Marwalba indha cadeys kuu shaqeyn maayo ee New Jubbaland maka dafee wasiir”.
Gaboobe Shide: “Macalimuu ma laga maarmi waayay? maa isagaba laga dhigo guddomiyaha gobolka Gedo?”.